”Puerto Rico waxay ku jirtaa gumaysi Maraykan” – Siyaasiyad Maraykan ah oo afka furatay!

0

(San Juan) 20 Sebt 2018 – Puerto Rico waa “mustacmarad” istaahisha aaya ka talin sida ay qabto haweenayda Xisbiga Dimoqraadiga ka tirsan ee u sharraxan Koongarayska Maraykanka, Alexandria Ocasio-Cortez, oo arrintaa kusoo qortay Twitter-ka sanad-guuradii 1-aad ee Hurricane Maria.

Ocasio-Cortez ayaa sheegtay in jasiiraddan “ay weli gumaysi ugu jirto Maraykanka” maxaa wacay qiyamkeedu waa uun dhul ka tirsan Maraykanka, ee gobol maaha, sidaa darteed, dadka ku nooli wakiillo kuma laha Koongarayska iyo Senet-ka Maraykanka, mana laha xuquuq codayneed, tiiyoo ay sharciyan yihiin muwaadiniin Maraykan ah.

Musharraxaddan 28-jirka ah, oo u taagan degmada 14-aad ee New York, ayaa sheegtay in kaddib muddo sanad ah oo laga joogo duufaantii Hurricane Maria, ay Puerto Rico weli “isku dhex daadsan tahay” ayna u qalanto “nooc aaya ka talin ahn”. “Waa inaannu sidaa niraahnaa, si aannu wax u xalinno,” ayay tiri Cortez.


Hadalsame Media