War dheeraad ah oo kasoo baxay dhaawaca Kevin de Bruyne

0

(Barcelona) 17 Agoosto 2018 – Kooxda Manchester City ayaa heleeysa khabar ay ku faraxdo oo ku saabsan dhaawaca jilibka ka gaarey jookarka Kevin de Bruyne.

HLN ayaa qoraya in De Bruyne loo sheegay in aanu qalliin u baahnayn, kaddib markii uu booqday isbitaal ku yaalla Barcelona iyadoo City ay De Bruyne dhakhtarka caanka ah ee Dr Ramon Cugat kaasoo Belgian-kan u sheegay inaan qalliin daruuri u ahayn.

War dheeraad ah ayaa maanta la dhowrayaa, waloow uu warkii hore ahaa mid wanaagsan, halka markii hore la hadal hayay inuu laacibku maqnaan karo muddo 4 bilood ah.

Hadalsame Media