RASMI: Claudio Marchisio oo lagu yiri koox raadso! + Sawirro

0

(Torino) 17 Agoosto 2018 – Claudio Marchisio ayaa si rasmi ah u baabi’iyay qandaraaskii uu kula jirey kooxda Juventus, isagoo soo af jaray 25 sanadood oo uu joogey Bianconero.


Doorka Marchisio ee kooxda Juve ayaa noqday mid aad usii yaraanayay, waxayna kooxda OId Lady ay haatan ku taabatay laacibkan khadka dhexe – oo 32 jirsanaya bisha Jannaayo – inuu naadi cusub raadsado kahor suuq-xagaaga Talyaaniga oo xirmaya isla caawa fiidkii.

Tegitaankiisu wuxuu kusoo beegmayaa jeer uu kooxda horay uga xirxirtey halyeeygii kale ee Gianluigi Buffon oo ku biiray PSG.

Hadalsame Media