QISO QAMUUNYO LEH: Wuxuu diley xaaskiisii oo uur leh iyo labadiisa gabdhood, deeta wuxuu ka baafiyay TV!! + Sawirro

0

(Frederick) 17 Agoosto 2018 – Waxaa maxkamad lasoo taagey aabbe ku eedaysan inuu khaarajiyay xaaskiisa oo uur lahayd iyo laba gabdhood oo yar yar oo uu dhalay, isagoo kaddib TV-ga soo mariyay farriin dareen ka buuxo isagoo dadwaynaha ugu baaqaya inay soo helaan xubnaha qoyskiisa maqan, tiiyoo ay jirto inuu isago khaarajiyay.

Christopher Watts, 33 jir, waxaa shalay lasoo taagey maxkamadda degmada Weld County, Colorado isagoo xiran isku joogga oronjada ah isla markaana katiinadaysan. Waxaa looga dhaartay in damaanad lagusii daayo.

Maydka xaaskiisa Shanann Watts, 34 jir, ayaa waxaa shalay aroortii laga helay meel gaaska iyo saliidda lagu sifeeyo oo la yiraahdo Anadarko, halkaasoo uu ka shaqaynayay ninkeeda  Christopher taasoo u dhow gurigooda Frederick, oo ku taalla bannaanka magaalada Denver.

Kasii darane, maydadka saqiirrada Bella, 4 jir, iyo Celeste, 3 jir, ayaa iyagana isla goobta laga helay shalay galab.

Watts ma hadlin intii uu maxkamadda joogey, inta badan hoos buu eegayay, waxaana loo haystaa 3 kiis dembiyeed oo kala ah hal kiis oo dil ah iyo 2 kale oo marqaati aasid iyo been abuur ah.

Garsoore Marcelo Kopcow ayaa dacwad oogayaasha ku wargeliyay inay dacwad rasmi soo galeeyaan Isniinta, iyadoo dacwaddiisa rasmiga ah ee Watts la dhegeysan doono Talaadada soo aaddan.

Hadalsame Media