SIR CULUS: Qalbi Dhagax oo la isku dayay in la KHAARAJIYO! (Dhegeyso)

0

(Muqdisho) 14 Agoosto 2018 – Toddobaadka dambe waxay ku buuxdaa sannad markii dawladda Soomaaliya ay dawladda Itoobiya u gacan gelisay sarkaalka ururka ONLF ee Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax. Dhiibistaasi waxay dawladda u abuurtay qalalaasihii siyaasadeed ee ugu weynaa sannadkaas tan iyo markii ay xukunka qabatay.

Isbeddellada ka dhacay Itoobiya ayaa keenay in ugu dambayn xabsiga laga sii daayo Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax iyadoo dawladda Itoobiya ay liiska argagixisada ka saartay ONLF.

Hase yeeshee sida ay ogaatay idaacadda VOA Cabdikariim Qalbi Dhagax waxa kale oo uu ka mid ahaa saraakiil ka tirsan ONLF ah oo bartilmaameed u ahaa shirqool khaarajin ah, sida ay muujinayaan diiwaannada maxkamadaha Soomaaliya. Waa kan Haaruun Macruuf iyo Barnaamijkii Galka Baarista.

Hadalsame Media