DAGAAL QABOOW: ”Hasoo faragelin arrimeheenna!” – Maraykanka oo keenay Hindise uu ku taageerayo Taiwan & Shiinaha oo digniin culus kasoo saaray!

0

(Beijing) 14 Agoosto 2018 – Maraykanka ayaa keenay qorshe difaaceed cusub ku kacaya $716-bilyan oo doollar, kaasoo ay sheegeen inay si sidii hore ka xooggan ay dhanka ciidanka uga taageer doonaan dalka Taiwan iyo in gaar ah lagu eego sharikaadka Shiinaha.

Yeelkeede, Beijing oo gasiiraddaa u aragta gobol ku fallaagowdey dhulwaynaha Shiinaha ayaa arrintaa ku tilmaantay ”caqliyaddii Dagaalkii Qaboobaa”, iyadoo sheegtay inay xumaynayso xiriirka labada dal, sida ay ka digeen.

China ayaa sheegay inaanu “gebi ahaanba la dhacsanayn” hindisahan oo la yiraahdo Xeerka Daafaca Qaranka ama NDAA 2019 kaasoo uu saxiixay madaxwayne Donald Trump.

Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa Maraykanka ku eedaysay inay uga dhegtey caqliyad ”colaad hurin ah” iyagoo sheegay in ay diiradda saarayaan farqiga labada dhinac u dhaxeeya.

Beijing ayaa sheegtay in “in ay si xooggan uga soo horjeeddo” xeerka NDAA, oo ay ku tibaaxday mid “lagu faragelinayo arrimaha gudaha Shiinaha, kana soo horjeeda mabda’a Shiine mid ah, isla markaana dhaawacaysa kalsoonida iyo kalsoonida labada dal ee Maraykanka iyo Shiinaha,” ayaa lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Shiinaha.

Hadalsame Media