XOG: Andre Silva oo u sii siqaya dhanka Sevilla

0

(Milano) 09 Agoosto 2018 – Sevilla ayaa sida la sheegayo qarka u saaran inay qaadato qannaaska AC Milan ee Andre Silva, weliba qaab amaah ah.

Sida uu faafinayo AS, waxaa dhanka Silva laga sugayaa inay warkan xaqiijiyaan ’saacadaha soo aaddan ‘, maaddaama heshiis laga gaareu labada dhinac.

Yeelkeede, Calciomercato.com ayaa ku doodaya in Milan ‘ay heshiiska haatan xajiyaha ku dhegtey’ maaddaama ay doonayso inay kaashato laacibka reer Portuguese.

Wuxuuna webkaasi sheegayaa in Sevilla ‘aysan doonaynin’ inay Rossoneri siiyaan €32m oo ay laacibka ku doonayso, balse ay doonayso heshiis amaah oo ay u madax bannaan tahay inay sanadka xiga laacibka wada qaadato ama iska soo celiso.

Hadalsame Media