DAAWO: ”Nin MIN-YARO u noqo intaad hooyo kali nool ah noqon lahayd” – Catherine Waruguru oo ka yaabisay haweenka Kenya

0

(Nairobi) 28 Luulyo 2018 – Haweenayda metesha Laikipia Woman ee Catherine Waruguru ayaa haweenka Kenyan-ka ah ka yaabsatay kaddib markii ay soo jeedisey inay gabdhuhu ka fikiraan inay nin minyaro u noqdaan halkii ay noqon lahaayeen hooyo faaruq taag ah (single mother).

Mar ay la hadlaysay barnaamijka KTN ka baxa ee Morning Express, Waruguru ayaa dumarka ku boorrisey inay nin helaan wax kasta oo ay ugu kacdo.

“Waan ku dhiirrin lahaa dumarka Kenya ee doobka ah iyo hooyooyinka kali joogga ah inay raadsadaan nin ay xaas iyo saaxiib u noqdaan, ma aha inaan carruur ku korinno anagoo kaligeen ah (single mothers),” ayay tiri Waruguru.

“Weliba wiilasha, waloow ay ilmeheennii yihiin wiil iyo gabarba, wiilashu waxay u baahan yihiin aabbe ay sare u eegaan, haddii la waayana ugu yaraan adeer.” ayay ku doodday.

Waruguru ayaa lafteedu minyaro ah, ayaa dood dhalisay, kaddib markii ay maalin dhowayd sheegtay in laga celiyay Kericho Hotel kaddib markii la waydiiyay inay keento shahaadada guurkeeda.

Hadalsame Media