DHEGEYSO: Guryo la’aan caqabad ku noqotay inay aradaydu sii wataan tacliinta sare

0

(Gothenburg) 12 Luulyo 2018 – Berri waxaa la dhowrayaa khabarka ku aaddan ardayda heli doonta ama waayaysa koorsooyinka bilaabmaya xilli-waxbarasheedka dayrta soo aaddan ee kulliyadaha iyo jaamacahada dalka Sweden. Balse guryo la’aanta jirta ayaa caqabad ku noqon karta xitaa ardayda boosaska heli doonta.

Jacob Adamowichz, waa guddoonka Iskaashatada ay leeyihiin ardayda Sweden, aad buuna arrintaa uga dayriyay.

– Waxaannu hadda aragnaa dadkii oo xitaa diidaya waxbarashadii loo qaatay, waayo dookha ku aaddan inaad fursad u hesho waxaad baranayso iyo halkaad ka baranayso waxay ku xiran tahay inaad guri heli karto, ayuu yiri Jacob Adamowichz, oo ah guddoonka Iskaashatada ay leeyihiin ardayda Sweden.

Klara Olsson oo deggan magaalada yar ee Åmål waxay dayrtan u wareegaysaa Göteborg, si ay halkaa uga barato macallinnimo, rajadeeduna uma qurux badna sidii uu jeclaan lahaa qof u wareegaya magaalo uu ku cusub yahay.

– Waxaan helay 10 jawaabood, inta badanise waa dad raadinaya qof la dega, laba unbaa ahayd qayb gaar u xiran, balse waa qaali aanan ka bixi karin arday ahaan, waxaan faraha u laallaabayaa inaan helo guri ii gaar ah, balse marka hore laga yaabee inaan ku bilaabo mid aan qof la dego, ayay tiri Klara Olsson.

Stina Olén waa Agaasimaha Guud ee laan ka mid ah Jamciyad u dhaqdhaqaaqda ardayda iyo guryo helitaanka, waxayna sheegtay inay dhibaato arrintani ka taagan tahay, waloow ay qabto inay xaaladdu kasoo raynaysay sanadihii yaraa ee u dambeeyay.

– Sanadihii dambe guryo badan baa la dhisay, balse waxaa loo baahan yahay kuwo kale oo dheeraad ah, maaddaama ay baahidu korortay waxaa sidoo kale dheeraaday safkii, ayay tiri Olén.

 

Hadalsame Media