Dekedda oo kulan adag la ballansan kooxda Singida United 

0

( Dar Es Salaam)  02 Luulyo 2018.  Kooxda Dekedda oo ka ciyaarta dalkeena Soomaaliya ayaa waddanka Tanzania  ugu qeyb galaysa tartanka  Cecafa Club Kegame Cup , iyadoo kullan xiiso badan galabta ciyaaraysa.

Kullanka labaad ee heerka guruubyada waxa ay wada dheeli doonaan kooxda kaalinta shanaad ka gashay horyaalka Tanzania ee Singida United.

Ciyaarta ayaa soo dhici doonta 2:00 oo duhurnimo,waxaana laga daawan doonaa Azam Tv iyo SS9.

Singida United ayaa nasiib u yeelatay in ay ka qayb qaadato tartanka waxaana booska loogu saaray Yanga SC  oo horay ugu jirtay.

Kooxda Dekedda ayaa laga badiyay kullankii koowaad, iyadoo Singida ay guul soo  qaadatay ciyaartii ay wajahday APR oo Rwanda ka socota.

Naadiga Yuu Cali uu hoggaamiyo ayaa tartanka isaga hari doonto haddii ay guuldarro la kulanto ciyaarta ay wajahayso naadiga kaallinta shanaad ka soo gashay horyaalka Ligi kuu Bara.

Xiddigaha ku soo billaaban Kara

Goolhaye Mustaf, Bile,Xasan Afgooye, Baana, Baanu, Tubaal, Nuuraani, Cabaas, Ibra, Rymond iyo Mustafa.

Hadalsame Media