Chelsea oo midkood doonaysa Alisson & Donnarumma

0

(London) 30 Juun 2018 – Waxaa lasoo werinayaa in Chelsea ay doonayso qabtaha AS Roma ee Alisson, balse waxay u jihaysan karaan dhanka midka AC Milan ee Gigio Donnarumma.

Goowlaha Brazilian-ka ah oo ay cayrsanayaan kooxog gacan muggeed ah ayaase ah dookhooda 1-aad, waloow la sheegayo in Real Madrid ay horraanba heshiis dhanka afka ah la gaartey 25-jirkan.

Yeelkeede, khabiirka dhanka suuqa kala iibsiga ee Alfredo Pedulla ayaa sheegaya in Maurizio Sarri – oo ay dhici karto inuu noqdo macallinka Blues – uu yahay nin aad ugu riyaaqsan Alisson.

Wuxuuna maamulka Chelsea u sheegay in loo baahan yahay in kooxda la keeno goolwale wayn, maaddaama la ogyahay in Thibaut Courtois uu ku jiro sanadkii ugu dambeeyay heshiiskiisa oo uusan u muuqanin nin kordhin doona.

Milan ayaa Donnarumma fasaxaysa haddii ay ku hesho lacag ka badan €60m oo euro.

Hadalsame Media