LA YAAB: Haween dibedbax u sameeyay RAG LA’AAN darteed!!

0

(Limuru) 14 Juun 2018 – Dad badan bay dhici kartaa inay la yaabaan inayba xitaa dhici karto inay haween u dibad bixi karaan inay helaan niman nolosha la wadaaga, balse waxay ka dhacday Limuru, oo ka tirsan Kiambu County oo ku yaalla bartamaha Kenya. Sababta? Gobolkan waxaa ku yar raggii.

Qayb ka tirsan haweenka magaalada ayaa dhigay dibed bax nabadeed oo ka dhacay Ndeiya, iyagoo sheegay inay ka cabanayaan rag la’aan, halka qaar kalena ay sheegeen inay qabaan niman sagsaaga inay la xaajoodaan, marar badan iska dhaxa amaba xitaa, marka ay joogaan, ku liita bandhigga qolqolka.

Waxay arrinta u aaneeyeen aalkolada oo fara ba’an ku haysa aaggaas, taasoo keentay inay rag badan guryohoodii ka saaqidaan. “Haddii aad xaafadda dhexmarto waxaad arkaysaa naago badan oo la qabo, balse kuwaa laftooda in yar baa uur leh,” ayay ku qaylisay Nancy Wangare, oo dibed baxayaasha ka mid ahayd.

Tiro koob lagu sameeyay Ololaha Qaran ee ka dhanka ah daroogada ee National Campaign Against Drug Abuse (NACADA), ayaa sheegaya in 450,000 oo ah deganayaasha Kiambu ay maalin kasta celcelis ahaan aalkolada ku kharaj gareeyaan KSh 300 taasoo ka dhiganKSh 14 milyan oo shilin maalintii, waxaana lasoo jeediyay in shatiyada iibinta aalkolada lagala noqdo ganacsato badan oo xeerka ku tuntay.

Haweenka magaaladan ayaa iyagoo rag doon ah u dalaaba Nyanza iyo Galbeedka Kenya oo ay raggu ku badan yihiin, sida Luo Nyanza iyo Luyha galbeedka. Haween badan oo reer Kiambu ayaa sidoo kale u rag doontay beelaha u dhow sida Kisii, Kamba iyo Masai.

 

Hadalsame Media