Xisbiga xukuma UK oo lagu eedeeyay Islaam-nacayb! (Jeremy Corbyn oo ka hadlay isagoo masjid afur ka qaybinaya)

0

(London) 05 Juun 2018 – Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Shaqaalaha Md Jeremy Corbyn ayaa isagoo afurka gacmihiisa ugu qaybinaya jameecada Masjirka Al-Manaar Mosque ku baaqay in la baaro Islaam-nacayb uu sheegay inay lafaha iyo calooshaba ka gashay xisbiga Muxaafidka ah ee haya talada UK.

Golaha Muslimiinta Britain (Muslim Council of Britain (MCB) ayaa todobaadkii tegey ku baaqay in baaris lagu sameeyo wax ay ku tilmaameen Islaam-nacayb laga sheegay musharrixiinta iyo wakiillada Xisbiga Torries-ka, isagoo bulshada Muslimka ah ku amaanay sidii ay ugu gurmadeen dabkii Grenfell Tower.

Isagoo ka hadlayay masjidkan oo ku yaalla galbeedka London ayuu hoggaamiyaha xisbiga shaqaaluhu warfidiyeenka ku yiri: “Waxay ila tahay in eedayn lasoo jeediyay, sidaa darteed waa in baaritaan la sameeyaa lana xalliyaa arrintan.”

”Nacayb iyo cunsuriyadi meel kuma laha bulshadeenna iyo siyaasadeenna. Qofna waa inuusan raalli ka noqonin, qofna waa inuusan qarinin, qof kasta waa inuu dibedda soo dhigaa.” ayuu raaciyay Jeremy Corbyn.

Hadalsame Media