DHEGEYSO: Salaad Cali Jeelle oo maamul-gobolaadyada uga digey hal arrin oo aysan xaq u lahayn

0

(Muqdisho) 04 Juun 2018 – Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo ah guddoonka Xisbiga Midnimada iyo Dimoqraadiyadda ayaa isagoo ka qayb gelayay dood loogu magac daray mid qaran aad ugu dheeraaday doodda ka dhex taagan qaar ka mid ah dowladaha Khaliijka iyo Soomaaliya.

Jeelle ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda u muuqata mid kala garan karta wixii ay dani ugu jirto iyo wixii kale, isagoo sheegay in dalalka Qadar go’doomiyay ay kaligood go’aansadeen arrintaasi, balse ay rajeeynayeen inay Soomaaliya iyaga iska raaci doonto oo aysan dhexdhexaad noqon karin.

Wuxuu dhanka kale, maamul-goboleedyada ku dhaliilay inay gacan dhaaf ku hayaan shaqadii loo igmaday dowladda dhexe isagoo sheegay in haddii ay dood qabaan ay leeyihiin xildhibaanno iyo senetarro ku metela labada aqal ee federaal iyo xukuumadda, laakiin wixii dibed ku saabsan ay tahay shaqo u taalla dowladda Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhegeyso hadalka Salaad Cali Jeelle.

 

Hadalsame Media