Ma lagu tilmaami karaa laacibka ugu daacadsan kubadda cagta casrigan? + Sawirro

0
PARMA, ITALY - MARCH 24: Alessandro Lucarelli of Parma FC competes for the ball with Ronaldinho of AC Milan during the Serie A match between Parma FC and AC Milan at Stadio Ennio Tardini on March 24, 2010 in Parma, Italy. (Photo by Claudio Villa/Getty Images)

(Parma) 29 Maajo 2018 – Kabtanka kooxda Parma Calcio 13 ee Alessandro Lucarelli ayaa kasbaday quluubta taageerayaasha kubadda cagta iyadoo haatan ay kooxdiisa Parma ay gebi ahaanba xareeysay lambarkii uu qaadanayay ee 6.

Lucarelli oo 41-jir ah ayaa kooxdiisa Parma la aadey heerka 3-aad kaddib markii ay musalliftay 2015, heer la kansalay ciyaar ay la lahayd Udinese kaddib markii ay iska bixin wayday kharashkii ku baxayay nidaamiyayaasha garoonka Stadio Ennio Tardini, iyadoo sidaa ku noqotay kooxdii ugu horreeysey ee Talyaani ah ee ay sidaasi ku dhacdo.

Parma oo ka mid ah kooxaha ugu caansan Talyaaniga iyadoo haysata 3 Coppa Italia winners, 2 UEFA Cup iyo koobab kale ayaa waxaa soo maray xiddigo caan ah sida Gianluigi Buffon, Fabio Cannavaro, Lillian Thuram, Hernan Crespo, Juan Sebastian Veron, Gianfranco Zola, Enrico Chiesa, Hristo Stoichkov… liisku waa dheer yahay.

Balse taariikhda Parma ee soo taxnayd 105-sanadood, hal laacib ayay dhacday in la lambarkiisa la xareeyo waa lambarka 6-aad ee Lucarelli sida uu xaqiijiyay maamulka naadigu.

Lucarelli ayaa lagu tilmaamay laacibka ugu daacadsan kubadda cagta casrigan ee dhaqaalaha noqotay maaddaama uu xitaa mar ciyaarayay isagoon mushahar qaadanaynin, wuxuuna sidoo kale yahay ninka ugu safashada badan abid dhamaan laacibiinta soo martay kooxda Parma.

PARMA, ITALY – MARCH 24: Alessandro Lucarelli of Parma FC competes for the ball with Ronaldinho of AC Milan during the Serie A match between Parma FC and AC Milan at Stadio Ennio Tardini on March 24, 2010 in Parma, Italy. (Photo by Claudio Villa/Getty Images)

Hadalsame Media