Cristiano Ronaldo oo la sheegayo inuu wada hadal la bilaabay kooxda PSG! (Kulan durba dhacay)

0

(Paris) 28 Maajo 2018 – Erayadii kasoo baxayay afka Cristiano Ronaldo kaddib guushii taariikhiga ahayd ee Champions League ayaa dabcan ruxday suuq-xagaaga kala iibsiga iyo kooxda Real Madrid.

Yeelkeede, kooxo yar baa dhaqaale ahaan ku aada inay iibsadaan wiilka haysta Ballon d’Or, waxaana sida cad kooxahaa ka mid ah Paris Saint Germain, balse sida ay qoreeyso warfaafinta Portuguese-ka, heshiis uu laacibku kooxdaasi ku tegayo ayaaba durba socda.

Wakiilka CR7, Jorge Mendes, ayaa la sheegay inuu xalay joogey magaalada xarragada ee Paris halkaasoo uu kula kulmay Al-Khelaifi, waxaana la filayaa inuu wiilka dahabiga ihi uu Ligue 1 ugu koco 250 milyan oo euro (taasoo ka dhigaysa xiddigga ugu qaalisan dunida kubadd cagta abid).

Haddii se ay taasi rumoowdo waxaa la sheegayaa inay aad ugu badan tahay inuu Neymar Jr uu dhanka kale u waydaaran doono oo uu noqon doono jookarka cusub ee Cad Cadka.

Hadalsame Media