”Xornimo waxaan u arkaa inaan bartilmaameedku noqon JIRKAYGA!” – – Aisha Romano oo ka hadashay aayadaha ay kusoo hanuuntey (Qaybtii 3-aad)

0

(Milano) 08 Luulyo 2020 – Gabadha dhowaan soo islaamtay ee Aisha Silvia Romano yaa bixisay waraysigii ugu horreeyey ee rasmi ah ee ay uga hadlayso sida ay ku Islaamtay iyo waxa ku dhiirri geliyey iyo sida ay hadda ula qabsatay diinta ku cusub ee ay qaadatay. Haddaba waxaad akhriseen qaybtii 2-aad, kusoo dhowaada qayb kale.

Ma jirtaa suurat gaar ah oo aad ka hesho?

Intii aanan Muslimin, waxaan bartay aayadda 70-aad ee suuradda Al Anfaal: “Oo nabiyoow (NNKH), u sheeg maxaabiista gacmihiina ku jira, in haddii Alle camal wanaagsan qalbiyadooda ku og yahay, uu idin siinayo wax ka fiican waxa la idinka qaatay, waana idin cafinayaa, Alle waa midka ugu cafis iyo naxariis badan.”

Waxaan kaloo bartay suuradda ugu horreeysa Qur’aanka ee Al Faatixa, waxaana bilaabay inaan dukado anigoo aan xitaa aqoonin sida saxda ah ee loo guto.

Aayad kale ee si wayn ii taabatay waxay ahayd: “Sidee Alle ugu abaal dhacaysaa markii aad dhinsanayd ee uu ku nooleeyey? Kaddibna ku dili doona ee misna kusoo noolaynaya ee aad u isaga u laabanayso.” Qur’aan 2/28

Iyo aayadda kale: “Haddii Ilaahay ku caawiyo, qof kaa guulaysanayaa ma jiro, haddii se uu kaa tago yaa ku caawinaya? Mu’miniintu waa inay Alle uun rumeeyaan.” Qu’raan 3/160

Waxay u ekayd inay aayadahani aniga si toos ah gaar iigula hadlayaan.

Markii aad salaadda bilowday adiga oo Muslim sidee mustaqbalka u arkaysey? Ma kula ahayd inay wax kastaahi hagaagi doonaan? Diyaar se ma u ahayd inaad aqbasho wax kasta? 

Imaanku wuxuu ku yimaadaa marxalado kala geddisan, kayguna wuxuu kordhay marba marka ka dambaysa. Markii aan Muslim noqday, mustaqbalkayga il intii hore ka deggan ayaan ku eegayey. Waxaan hubey in ALLE i jecel yahay oo uu igu hanuunin doono wixii ii wanaagsan.

Marka aan ka welwelo qoyskayga iyo mustaqbalkayga waxaan xoog ka heli jirey salaadda. Mar kasta oo uu imaankaygu kordho, waxaana Alle waydiisanayey xoog iyo dulqaad, gaar ahaan marka aan murugaysnahay.

Hadda sidee isu aragtaa ka qof kale oo aqbalay wax mar si kale ula muuqdey ee noloshiisa si wayn u bedeley?

Intaanan Islaamka qaadan kahor, mararka qaar waaba is dhihi jirey Islaamku waa dariiqa toosan, waxaan se ka biqi jirey sida ay dadku uga falcelinayaan haddii aan aqbalo oo qaato. 

Horay ma uga war qabtey cadaawadda aad haatan wajahayso?

Haa, dabcan. Waxaan arrintan si wanaagsan usii ogaadey markii aan akhriyey siiradii Nabi Muxamed (NNKH) iyo saxaabadiisii; Waxay iga caawisay inaan helo aragtida ah in Islaamka mar kasta la riixo.

Maxaa kugu dhaliyey aragtidaas?

Maxaa yeelay Islaamku wuxuu kasoo hor jeedaa hannaan kasta oo ku dhisan cadaalad darro, awoodda lacagta, musuqa iyo beenta. Hannaanada noocan ihi marka waxay islaamka u arkaan halis jiritaan. 

Dadka qaar waxay kaaga hor jeedaan inay u arkaan inaad qaadatay diin ay u arkaan inay xorriyadda kaa qaadayso oo ay kaa dhigayso mid ay tahay inay naagtu ninka isu dhiibto, siday ay qabaan. Ka warran? 

Aragtida xornimadu waa mid aan moowduuci ahayn, balse nisbi ah. Dad badani waxay xorriyadda u yaqaannaan inay naag xor ihi ka dhigan tahay midda jirkeeda qaawisa, balse taas lafteeda waxay rabaan inaad u lebisato sida ay doonayaan iyagu. Markii hore waxaan moodi jirey inaan XOR AHAA, balse waxaan ogaadey in siyaabo kala duwan la ii xugmiyo, markii aan si duwan u lebbistey ee ay dadku bilaabeen inay isoo weeraraan.

Waxaa jira wax ka khaldan bulshadan, haddii ay XORNIMO TAHAY INAAN IS QAAWIYO, anigu waxaan qabaa inuu JALBAABKU yahay astaan xornimo. Waxaan gudaha ka dareemayaa in ALLE uu igu amray inaan xirto si aan u dhowro sharaftayda iyo cirdigayga; waxaan ogahay in marka aan asturan ahay ay dadku naftayda uun arkayaan. Xornimo waxay la micne tahay, aniga ahaan, inaan jirkeeygu noqon sheey jinsi ahaan uun u sawiran.

La soco qaybtii ugu dambaysey…

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

hadalsame Media