Ciidamada Daraawiishta Puntland oo gadood sameeyey & rasaas dhacday (Waxa la isku hayo)

0

(Gaalkacyo) 08 Luulyo 2020 – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta Puntland ee kusugan fariisimo muhiim ah oo ku yaalla Gaalkacyo qaybta Puntland ay muujiyeen gadood ciidan, gaar ahaana 2 saldhig ciidamada daraawiishta ah oo ku kala yaala labada dhinac ee magaalada.

Subaxnimadii hore ayaa la maqlay hub culus oo loo arkayay tijaabo, balse la ogaaday in uu ahaa gadood ciidan, jidka Airportka gala ayay ciidan xireen, ciidamada ayaana ka gadoodsan sharuudaha guddiga dibu habeynta ciidamada ee ku wajahan tirokoobka oo laga tagayo Agoomaha, Hubka oo laga dhigayo iyo Saraakiisha howlgabka ah.

Guddiga Dibu habeynta ayaysan ilaa hadda u suuragalin in ay maanta tagaan Saldhiga ciidan ee gudaha garoonka diyaaradaha.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada oo aan la xariiray wey ka gaabsadeen ka hadlida arrimahan, balse Goobjoogayaal tagay Saldhig ciidan oo kuyaala agagaarka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa sheegay in ay arkeen baabuurta ciidanka oo lagu gooyey jidka laamiga ah ee gudaha garoonka gala.

Waxaa Diyaariyey: Faarax Cabdulqaadir Maxamuud

Hadalsame Media