
(Nyon) 20 Nof 2018 – Dalalka Netherlands, Switzerland, Portugal iyo England ayaa noqday afarta xul ee iskugu soo baxay nus-dhamaadka Nations League, wax kastana waxaa lagu go’aamin doonaa Portugal oo lagu ciyaarayo 5-9 Juun sanadka xiga.
Waxaa isku aadka la samaynayaa 3-da Dismeebar mana jiro dheriyayn oo xulba mid kasta oo kale ayuu ku aadi karaa, waxaa qura oo la hubaa in Portugal iyo xulka ku aada ay kulankooda dheelayaan 5-ta Juun, halka labada kale ay ciyaarayaan maalinta xigta ee 6-da.
Maalinnimo Axad ah 9-ka Juun waa dhamaadka Nations League, waxaa sidoo kale loo tartamayaa kaalimaha 3-aad iyo 4-aad, waxaana lagu kala ciyaarayaa garoomada Estadio do Dragao oo Porto ku yaalla iyo Alfonso Henriques oo ay leedahay magaalada Guimaraes. Portugal ayaa u yeeran kara Cristiano Ronaldo.
Hadalsame Media