AC Milan oo UFEA hor fariisatay! (Laba go’aan midkood oo ay mudan karto)

0

(Nyon) 20 Nof 2018 – Kaddib kulankii maanta, AC Milan ayaa ka dhur sugaysa go’aanka UEFA oo lagu wado in uu Diseembay yimaado haddii uu ugu dib dhoco, iyadoo sida ku qoran Corriere della Sera, uu go’aanka aadka loo sugayaa uu noqon karaa ganaac lacageed oo Milan la saaro si oo xalliyo khaladaadkii hore.

Naadiga Rossoneri ayaa la sheegay inuu durba meel dhigay 17 milyan oo euro oo uu ka reebay miisaaniyaddiisa si uu u bixiyo haddii lagu xukumo, lacagtaas oo 5m la hormarinayo.

Yeelkeede, waxaa jira sennaariyo kale oo noqon kara in la xadido safka kooxda ee ka qayb geli karta tartamada Yurub isla bisha Jannaayo, iyadoo uu Milan durba u iibsan yahay Lucas Paqueta oo ay kusoo qaadatay 35 milyan oo euro, balse UEFA ilaa haatan wax war ah oo arrintan ku saabsan kama soo bixin.

Hadalsame Media