
(Hadalsame) 08 Luulyo 2022 – RW hore ee Japan, Shinzo Abe, ayaa lagu toogtey meel fagaare ah oo uu ka ololaynayey, iyadoo sida uu sheegayo Afhayeen u hadlay Dowladda. Daawo muuqaalka…
Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya sida ay u dhacday toogashada oo loo adeegsadey bastoolad macmal ah oo 2 dhuumood leh oo uu sameeyey ninka wax ku toogtey.
Sida muuqata RW hore ee Japan ayaa u muuqda nin jahawareersan marka ay toogashada 1-aad dhacday, balse marka ay tan 2-aad dhacday ayuu afgembi dhulka ugu dhacayaa.
Su’aasha ugu badan oo ay dadku qabaan waa fal-celinta ilaalada siyaasiga oo laftoodu muujiyey jahawareer halkii ay tillaabo deg deg ah qaadi lahaayeen, balse maadaama aan dalka Japan aan ammaan darro looga baran dad badan baa ka garaabay khibrad la’aanta iyo muujiyeen.
RW Abe oo oo 67 jir ahaa dalka Japan soo xukumay min 2006-2007 iyo kaddib mar kale 2012 ilaa 2020 ayaan muujinaynin wax nolol ah oo uu wadnihiisu taagan yahay.
Saddened by the passing of #ShinzoAbe san, a true friend of India. Can’t help but notice he could have been saved if his bodyguards had reacted sooner… pic.twitter.com/tRBIYEPngQ
— Sandeep (@SandeepUnnithan) July 8, 2022

Hadalsame Media