”Cuqdad ayaan u qabey!” – Ninka toogtey Shinzo Abe oo hadlay (Waxa uu ku maagay & waxa gurigiisa lagusoo arkay?)

0

(Nara) 08 Luulyo 2022 – Ninka looga shakisan yahay inuu diley Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan ee Shinzo Abe ayaa qirtay inuu kas u bartilmaameedsaday siyaasiga dhintay, wuxuuna sheegay inuu ka caroodey oo uu cuqdad u hayey urur uu aaminsan yahay in Abe xiriir la leeyahay, sida ay booliisku sheegeen.

Saraakiisha sarsare ee booliiska Gobolka galbeedka ku yaal ee Nara, oo ah halka uu dilku ka dhacay, ayaa tuhmanaha ku sheegay Tetsuya Yamagami oo ah 41 jir shaqo la’aan ah, kaas oo sheegay in uu isticmaalay qori gacan ku samays ah.

“Taasi waa sheegashada tuhmanaha, waxaana go’aaminnay in [qorigu] uu sida cad yahay mid gacan samays ah muuqaal ahaan, inkastoo falanqaynteennu ay hadda weli socoto,” ayuu sarkaal booliis ihi u sheegay suxufiyiinta.

Booliisku waxay intaa raaciyeen in aanay caddayn in “ururka gaarka ah” ee uu tuhmanuhu sheegay uu dhab ahaantii jiro, isaga oo intaa ku daray in baaritaannadu ay sii socdaan, laakiin dhowr warbaahin oo Japan ah ayaa ururka ku tilmaamay koox diimeed, iyadoo dadka Japanese-ku ay u badan yihiin mulxidiin iyo dad raaca caadooyin hore.

Yamagami ayaa ay sawirradu qabteen isagoo goobta la taagan oo sida shay madow oo wayn oo u muuqda inuu laba dhuun leeyahay, wax u eg bastooladihii aflaamta Western-ka ama Cob Boy-da.

Saraakiil ciidan oo dharka difaaca gashan ayaa iyana bilaabay inay baaraan guriga tuhmanaha waxii ka dambeeyey 5tii galabnimo waxayna la wareegeen “dhowr shay oo qoriga u eg” oo halkaa yaalley.

Tuhmanaha, oo booliiska ula hadlay si “waxba qarin maayo ah”, ayaa sheegay inuu usoo shaqeeyey Ciidanka Badda Japan muddo saddex sano ah laga soo bilaabo 2002, laakiin sheegashadaas ayaa sidoo kale baaritaan lagu hayaa.

Yamagami waxa kale oo uu booliiska u sheegay in booqashadii Abe uu ka ogaaday khadka internet-ka, sida ay saraakiishu yiraahdeen.

Hadalsame Media