Xaflad bandhig buug ahayd oo isu bedeshey bandhig jacayl ( Daawo)

0

(Hargaysa) 08 Luulyo 2022 – Munaasabad loo qabtay bandhigga buugga Wehel Jacayl ayaa mar qura isu beddeley xaflad aroos.

Munaasabaddan oo ay kasoo qaybgaleen ilaa 500 oo qof oo lamaane u badnaa ayaa qoraaga lagu waydiiyey lamaantiisa jacaylka.

Wuxuuna mar qura ku dhawaaqay inuusan ka haraynin dadkii hoolka isagoo xaaakiisa cusub oo uu sheegay in isla maalintaa loo mehriyey kasoo dhugtay qaybta dambe ee qaacadii saxmadda badnayd.

Waxaa mar qura is qabsaday sawaxan taageero ah oo lagu soo dhowaynayo lamaanaha cusub.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media