(Nice) 30 Okt 2020 – Haweenay ka mid ahayd dadkii lagu toorriyeeyey kaniisadda NICE ayaa howlwadeenkii caafimaad ee usoo gurmadey waxay iyadoo ay naftu ku daba yar tahay kula dardaarantay inay “carruurteeda ka gaarsiiyaan inay jeceshahay”.
Haweenaydan oo 44-jir ahayd ayaa France deganayd muddo 30 sanadood ah, sida ay xaqiijisay Qunsuliyadda Brazil ee Paris.
Waxaa la sheegay inay lahayd 3 wiil, waloow ay boggeeda Facebook ka muuqdaan laba wiil iyo gabar jirta da’ aan la sheegin.
Labada qof ee kale ayaa iyaga qudha looga jaray middi wayn oo dhererkeeda lagu qiyaaay 12 inji ama 30.48 cm.
In dad rayid ah loo dilo arrimo aysan iyagu shuqul ku lahayn marna kuma bannaana diinta Islaamka.

Hadalsame Media