”Ilmahayga u sheega in aan jeclahay!” – Dardaaranka haweenay iyada oo si xun u dhaawacay bannaanka uga carartay weerarkii kaniisadda + Sawirro

0

(Nice) 30 Okt 2020 – Haweenay ka mid ahayd dadkii lagu toorriyeeyey kaniisadda NICE ayaa howlwadeenkii caafimaad ee usoo gurmadey waxay iyadoo ay naftu ku daba yar tahay kula dardaarantay inay “carruurteeda ka gaarsiiyaan inay jeceshahay”.

Haweenaydan oo u dhalatay Brazil lana yiraahdo Simone Barreto Silva – ayaa ka mid ahayd 3 qofood oo lagu diley kaniisadda Notre Dame, balse waxay bannaanka u carartay iyadoo dhaawac daran qabta kahor inta aanay ku ag dhiman makhaayad burger-ka iibisa oo ku taalla jidka dhiniciisa.

Waxaa la sheegay inay lahayd 3 wiil, waloow ay boggeeda Facebook ka muuqdaan laba wiil iyo gabar jirta da’ aan la sheegin.

Labada qof ee kale ayaa iyaga qudha looga jaray middi wayn oo dhererkeeda lagu qiyaaay 12 inji ama 30.48 cm.

In dad rayid ah loo dilo arrimo aysan iyagu shuqul ku lahayn marna kuma bannaana diinta Islaamka.

Mid ka mid ah dadkii la diley Vincent Loquès

Hadalsame Media