Turkiga oo markii ugu horreeysey hawada geliyey daroon adeegsanaya rasaas ”caqli leh”

0

(Ankara) 22 Sebt 2020 – Aksungur, oo ah daroon joog dhexe ku duula oo ay Turkigu si maxalli ah u farsameeyeen (UAV) ayaa sameeyey duullimaad dhan 28-saacadood.

Daroonkan oo ay samaysay shirkadda Turkish Aerospace Industries (TAI), ayaa markii ugu horreeysey wuxuu isagoo raran oo sida hub culus wuxuu gaarey joog dhan 20,000 oo cagood (6,096 mitir).

TAI ayaa xaqiijisay in markii uu daroonkani jooggaa ku duulayey uu sidey rasaas iyo gantaalo ay ku jiraan 12 MAM-L (oo ah rasaasta ”caqliga leh”), ay hawada ku jirtey 28-saacadood oo ka badan maalin iyo habeenkeed.

Aksungur ayaa qaadi kara hub culayskiisu dhan yahay 750 kg (1,654 oo rodol) isagoo u gigsan kara inuu howlgal ka sameeyo meel jirta fogaan dhan 40,000 oo cagood.

Dayuuraddan ayaa tijaabadii middan ka horreeysey waxay hawada ku jirtey in ka badan 49 saacadood, sida ay TAI sheegtay Sebt. 2, waxaase markan u dhamaa hubkeeda oo ay ku qaadato ilaa 6 khan oo kala duwan.

Aksungur ayaa sidoo kale ah daroonkii ugu horreeyey ee adeegsada rasaasta MK-82 oo lagu hagayo Teber oo ay samaysay Roketsan oo isla Turkiga ah, taasoo bambooyinka caadiga ah siinaysa awood hagitaan oo u rogeeysa rasaas ”caqli leh.”

Hadalsame Media