”Ma jiro xad u dhexeeya Shiinaha & Taiwan!” – Shiinaha oo ka galaa baxaya hawada Taiwan jeer ay ku hanjabtey inaysan u habran doonin

0

(Beijing) 22 Sebt 2020 – MW Taiwan ayaa Beijing ku eedeeyey inay si kas ah u hurinayso xiisadda Bariga Aasiga, kaddib markii ay dayuuradaha Shiinuhu ay soo dhaafeen khadka xasaasiga ah ee kala qaybiya marinka yar ee u dhexeeya Shiinaha iyo Taiwan oo is maamulaysey muddo 40 sanadood ah.

Dayuuradaha Shiinaha oo ka imanaya jihooyin kala duwan ayaa iskugu jira dayuurado casri ah oo ah kuwa guuxooda ka dheereeya iyo kuwa culus ee wax duqeeya, taasoo ah arrin aan dhigan lahayn ama aan horay u dhici jirin.

“Waxa aannu hadda u jeedno ee ka socda Marinka Taiwan Strait, iyo guud ahaan gobolku waa mid qayb ka ah hanjabaadda afka ah ee Shiinaha ee (ka dhanka ah Taiwan),” ayay tiri MW Tsai Ing-shalaytoole.

Shiinaha ayaa tillaabadan qaaday kaddib markii ay halkaa tagtay Keith Krach, oo ah Wasiir Xigeenka Tamarta, Dhaqaalaha iyo Arrimaha Degaanka ee Maraykanka oo caasimadda Taipei kulan kula qaadatay madaxda Taiwan, kahor maamuus loo sameeynayo MW hore ee Taiwan ee Lee Teng-hui.

Wasiirka Gaashaandhigga Taiwan ayaa isagu sheegay in ciidamada xoogga dalkiisu ay xaq u leeyihiin inay iska difaacaan “hanjabaadda iyo daandaansiga” Shiinaha oo uu sheegay inay soo gudbeen khadka hawada ee labada dhinac kala qaybiya, isagoo tilmaamay in Taipei aysan ”cidna ka cabsanayn.”

Afhayeenka WAD Shiinaha, Wang Wenbin, ayaa isna warfidiyeenka ugu sheegay Beijing in sida uu yiri ay “Taiwan tahay qayb aan laga goyn karin geyiga Shiinaha,” isagoo meesha kaba saaray inuu jiro xad ama khad kala qaybiya gasiiraddan fallaagada ah iyo dhulwaynaha Shiinaha intiisa kale, kaasoo ah war aysan jeclaysan doonin Taiwan.

Taiwan intercepts PLA H-6 bomber

Hadalsame Media