”Umaddu urugadan aad aragtaan ayay ku nool yihiin iyaguna AMAAN ayay u ooman yihiin!”

0

(Hadalsame) 14 Luulyo 2020 – Waxaan arkay madaxdii gobollada Soomaaliya oo loo heesayo ”halyeygii adduunkow, caqligii caalamkow, Soomaali kii samata bixiyow, dalku kuu ku doogsadayow” iyo ereyo la mid ah oo amaan ah.

Iyaguna aad u faraxsanyihiin oo madaxa iyo majahaba ruxayaan!! Waxaa igu maqaala ah madaxweynaha federaalkuna inuu ku soo biiri doono! Oo heesaha iyo amaanta wax ka dhegeysan doono! kuwa amaantaas qaada waxaa badanaa lagu soo iibsadaa shilimaad khasnadda ummad 3 malyan qaxooti tahay.

Madaxdaas shacabkoodu wuxuu u le’anayaa macaluul, caafimaad darro, wado la’aan, gaadiid la’aan, biyo la’aan, koronto la’aan, nolol la’aan. Waxaa taariikhdu sheegtaa: Salaaxuddiin Al Ayuubi in sannado badan qosol laga waayey! Markii la weydiiyeyna uu yiri:

”Ilaahay baan ka xishoonayaa inaan qoslo, iyadoo masjidul Aqsaa la haysto.”

War miyaan xoogaa yar oo dareen ahi jirin!! Ilaahay hortiisa waxaan markhaati ka ahay haddii la inna rogo shacabka soomaali seynu u dhannahay!inaan Ilaahay noo darnaan! Nana dulmin!! Ee annagu mutaysannay in la inna rogo.

Naxariis Ilaahay keliya baan ku noollahay. Ee ummad mutaysatay iney noolaato ma nihin.

Waxaa Qorey: Sheekh Maxamed Idriis

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media