”Insaannimo ma aha!” – Sucuudiga & Yaman oo isku tuurtuuraya 800 Soomaali ah oo la sheegay in xadka lagu daadiyey

0

(Riyaad) 12 Maajo 2020 – Warfaafinta Xuutiyiinta ayaa shalay baahisey war sheegaya in 800 oo Soomaali ah uu Sucuudigu kusoo daadiyey xadka ay la leeyihiin dalka Yaman gaar ahaan Al-Jouf oo ay uga gudbeen Hazm, iyaga oo ku sugan xaalad aad u liidata.

Saxaafadda Xuutiyiinta ayaa Sucuudiga ku eedeeyay inuu ku tumanayo xuquuqda insaanka iyagoo intaa raaciyey inuu maalmihii tegey halkaa ku daadinayay dad Afrikaan ah oo u silicsan dhan kasta.

Yeelkeede, afhayeen u hadlay Ciidamada Gaashaanbuurta ah, Gaashaanle Turki Al-Maliki ayaa warkaa beeniyey isagoo sheegay inaysan waxba ka jirin warka sheegaya inay xadka ku daadiyeen 800 oo qof oo Soomaaliyeed.

Al-Maliki ayaa markiisu wuxuu eedayn u jeediyey malliishiyaadka Xuutiga oo uu sheegay inay si “insaaniyadda ka baxsan ula dhaqmaan ajaanibta Afaariqada ah ee ku sugan Yaman.”

Si kastaba, DF Somalia ayaa loosoo jeediyey inay arrintan baaritaan ku samayso.

Hadalsame Media