Somaliland oo ka hadashay sababta ay ula wareegtey Hoteelka Hargaysa Club (Ballan ay ka baxday)

0

(Hargaysa) 11 Maajo 2020 – Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo maanta saxaafadda kula hadlay Hargaysa ayaa sheegay in sida uu yiri ay Dowladdu xaq u leedahay inay soo ceshato hantida ”ma guurtada ah ee ku jirta gacanta shacabka.”

”Waxaan is dul taagayaa Hoteelka Hargaysa Club, nin iyo baadidii aragti baa ka dhaxaysa, haddii qof wax kuu dhiibtey ay baahiyi u qabato, dee waa in loogu celiyo si bilaa turxaan ah,” ayuu yiri Wasiir Koore.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in uu Dastuurku Dowladda xaq u siinayo inaysan hantideeda oo qura la noqone ay xitaa la wareegi karto midda dadwaynaha, isagoo aan tibixdaa dambe sharrixin.

Wuxuu Wasiirku intaa raaciyey in ay horayba Dowladdu usoo ceshatey hanti guud, sida haamihii shidaalka, dhuumihii shidaalka maraakiibta ku shubi jirey iyo qalabkii taya-dhowrka ahaa ee lagu tijaabin jirey tayada shidaalka iwm.

Yeelkeede, waxaa la xaqiijiyey in Hoteelka Hargaysa Clup uu rukhsadda u cusboonaysiiyey MW Somaliland, Md Muuse Biixi, lamana oga iminka sababta keenaysa inuu heshiiska ka laabto 4 bilood kaddib oo ku beegan goortii heshiiska la saxiixay.

Wasiir Koore ayaa ka dhaartay inuu saxaafadda maxalliga ah ee goobta joogtey uga jawaabo su’aalihii ay moowduucan ka qabeen.

Hadalsame Media