KADEEDKA COVID-19: Maxay Soomaalidu ka faa’iidaysan kartaa sawirradan (Cibaadayso adigoon is cawarin)

0

(Hadalsame) 11 Maajo 2020 – Waxaa dunida jilbaha dhulka u dhigay cudurka laayaanka ah ee Covid-19, kaasoo iminka ku dhacay dad ka badan 4 milyan oo qofood, isagoo diley in ka badan rubuc milyan.

Cudurkan ayaa saamayn ku yeeshay hab-nololeedkii dunida ka jirey isaga kahor, waxaana la dhaqan geliyey hab-raacyo bulsho iyo kuwo caafimaad oo cusub, sida in lakal durko ama aan daaradaha la dhaafin.

Dunida Muslimka ayaa ka mid kuwa uu saameeyey, gaar ahaan dhanka cibaadada, iyadoo la joojiyey salaadihii jamaacada ee masaajidda, sida Taraawiixda Ramadaanka haatan lagu jiro.

Yeelkeede, Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ay dadku weli ka dhega adaygayaan inay kala sikadaan, iyadoo masaajid badan si caadi ah loogu dukado, iyadoo aan la samaynin wax isbeddel ah, jeer ay xitaa xiran yihiin labadii Xaramayn.

Haddaba, si aannu Soomaalida ugu baraarujinno halista cudurkan ku faafa taabashada iyo dhibic-yaraha kasoo baxaya afka qofka marka uu qufaco, hindhiso ama xitaa hadlo ayaan waxaa soo qaadanaynaa dhowr masjid oo dib loo furay kaddib markii ay dalalka qaar fududeeyeen handaraabka kiisaska oo hoos uga dhacay dartood.

Hadalsame Media