Cumar Baahabriyyi: Ninka qura ee maalin cad ku shaqaystay gumaystihii Ingiriiska (Qiso yaab badan)

0

(Hadalsame) 15 Agoosto 2019 – Markii ingiriisku ay qabsadeen magaalada Cadan ee dalka Yaman waxa ay waayeen qof yaqaana luuqadda ingiriiska oo u kala tarjuma iyaga iyo dadkii magaalada.

Dadka Yaman ma aysan rabin in ay gumaystaha la shaqeeyaan, ciidamadii biritanna waxa ay rabeen in qoraalladooda iyo afkaarahooda ay u gudbiyaan dadka reer Cadan.

Markii dambe waxa ay heleen nin lagu magacaabo Cumar Baahabriyyi oo aad caan u ahaa magaaladana ku haystay maqaaxi shaaha lagu iibiyo.

Wuu u tarjumay qoraalladii ay rabeenna wuxuu ugu qoray afkii carabiga waxa ayna qoraalkii ka sameeyeen malaayiin koobi, waxa ayna ka soo daadinayeen waraaqaha hawada sare iyaga oo adeegsanaya diyaaradahoodii dagaalka.

Markii ay muddo bilooyin ah sidaas samaynayeen ayaa maalin waxaa Cadan soo booqday janan Biritish ah oo aad u yaqaanay luuqadda Carabiga. Waxa uuna u tegay sargaalkii qaabilsanaa daabacaadda waraaqaha.

Wuxuu waydiiyay ” waa maxay waraaqahaan aad diyaaradaha ka soo daadinaysaan?” Wuxuu ugu jawaabay ” waa farriin aan dadka ku kasbanayno.”

Janankii wuxuu waydiiyay ” oo ma garanaysaa waxa ku qoran waraaqaha?” Wuxuu ugu jawaabay ” Waxaa ku qoran guusha waxaa iska leh isbahaysatada (Gumaystaha).”

Janankii oo yaabban ayaa yiri ” War waxaas kuma qorna meesha ee waxaa ku qoran; qofkii shaah macaan raba ha ka doonto maqaayadda Cumar Baahabriyyi.”

Waxaa Diyaariyay: Aqwaan Xasan Jidhi

Hadalsame Media