Tahriibinta Carruurta: Arrin ay dayaceen maamulka garoomada Gaalkacyo & Caabud Waaq oo lagu saxay Garoonka Aadan Cadde

0

(Hadalsame) 15 Luulyo 2019 – Tahriibinta carruurta Axaddii na dhaaftay waxaan diyaarad ka raacay garoonka diyaaradaha ee ku yaal dhanka koofureed ee magaalada Gaalkacyo, aniga oo ku socday Muqdisho.

Diyaaradda aan Gaalkacyo ka raacay waxa soo martay Caabuqwaaq oo ay rakaab ka soo qaadday ayada oo markii hore na Muqdisho ka timid. Markii ay dejisay dadkii ay Muqdisho ka keentay ee Gaalkacyo ku socday annagii Muqdisho u soconnayna aan fuulnay ayay hawada gashay ayada oo Muqdisho ku jeedda.

Saacad iyo bar ka dib waxa ay naga dejisay Aadan Cabdulle International Airport. Markii aan laanta socdaalka ka gudbaynnay waxaa iga horreeyay nin iyo labo wiil oo da’ahaan aan ku qiyaasay 11 jir iyo 14 jir.

Waxaa horreeyay oo dhanka miiska laanta socdaalka ee safka aan ugu jirno xigay wiilasha yar yar halka ninku ka dambeeyay.

Markii miilohoodi la gaaray ayaa wiilkii fadhiyay miiska laanta socdaalku carruurtii waydiiyay “yaa idin la socday?” Midkii waynaa ayaa yiri “ninkaan” asaga oo gadaal u fiirinaya ninkii ka dambeeyay. Wiilka laanta socdaalku si kulul ayuu ninkii ugu amray in uu horay soo maro asaga oo ku yiri “war carruurta ha noo soo hormarin’e inta soo istaag.”

Markii ninkii istaagay meeshii lagu amray ayuu wiilkii laanta socdaalku waydiiyay su’aal ahayd: ma adigaa dhalay carruurtaan? Ninkii waxa uu yiri “maya”, “ma adigay kula socdeen?” Ayuu wiilkii laanta socdaalku ninkii waydiiyay.

Ninkii waxa uu ku jawaabay “haa, Caabudwaaq ayaa la iiga soo daray.” “Yaa kugu soo daray?” Ayuu wiilkii laanta socdaalka Soomaaliya ninkii sii waydiiyay. Waxa uu ku jawaabay “dad aanan aqoon ayaa igu yiri Xamar noo gee carruurtaan, garoonka diyaaradaha ayaa lagaa ga wadanayaaye.”

Wiilkii laanta socdaalku waxa uu ninkii iyo labadii carruurta ahaa ku armay in ay istaagaan meel dhinac ah oo uu farta ugu tilmaamay. Intii aan boorsada suganayay oo dhan kor ayaan kala socday xaaladda carruurta iyo ninka. Dhowr qof oo kale oo laanta socdaalka ka socday ayaa ninkii iyo carruurtii u yimid.

Taleefoonno dirid iyo isla hadal badan ka dib na waa soo fasexeen. Ninkii iyo carruurtii ayaan kula kulmay goobta boorsoonka laga qaato waxaana aan waydiiyay wixii dhexmaray asaga iyo laanta socdaalka.

Waxa uu ii sheegay in waalidkii carruurta dhalay iyo dadka bannaanka garoonka ku sugaya ay laanta socdaalku la hadashay ka dib na fasaxday. Waxa aan waydiiyay sidii uu garoonka Caabudwaaq carruurta uga soo gudbiyay?

Waxa uu na ii sheegay in aan qof na wax waydiin. Waxaa xasuustay in garoonka Gaalkacyo ee aan aniguba ka soo duulay aan la i waydiin wax aan ka ahayn tigidka aan ajensiga tigidhada ka soo goostay haddii carruur i la socon lahaydna aan wax kale la na waydiiyeen.

Marka hore waxa aan si mug leh ugu mahadcelinayaa wiilkii dhallinyarada ahaa ee u shaqaynaya laanta socdaalka Soomaaliya oo si xirfad iyo mas’uuliyad ka muuqatay arrinta carruurta u maareeyay. Runtii waxa uu mudan yahay in shaqadiisa lagu dhiirageliyo wiilkaas.

Marka labaad, waxaan ognahay in xatooyada iyo tahriibinta carruurtu tahay mashaqo caalami ah oo adduunka oo dhan ka jirta. Sannad walba kumannaan iyo kumannnaan carruur ah ayaa qoysaskooda laga xadaa. Carruurtaas oo si sharcidarro ah dunida loogu kala socdaaliyo waxaa loo adeegsadaa hawlo sharcidarro ah iyo kuwa fawaaxish ah sida addoonsi, kufsasho, iyo jirkooda iyo xubnohooda oo spare parts ahaan loo isticmaalo ayada oo isbitaallo dalal kala duwan ku yaalla laga iibsado.

Sidaas darteed, dawladda Soomaaliya iyo dhammaan maamullada dalka waajib gaar ah ayaa ka saaran ka hortagga iyo joojinta xadidda iyo tahriibinta carruurta. Dawladda iyo maamullada waa in ay soo rogaan qawaaniin mamnuucaya safrinta carruur aan waalidkood la socon ama dhiibin oggolaasho qoraal ah oo sugan.

Waa in dawladda iyo maamulladu amarro duldhigaan sharikadaha dayuuradaha kuwaas oo diyaaradaha ka mamnuucaya in ay qaadaan carruur aan waalidkii dhalay la socon ama haysan warqad sharci ah oo u oggolaanaysa in carruurtu safraan waalidka la’aantiis. Sidoo kale waa in ciqaabo adag lagu soo rogo dadka wada ama safriya carruur aysan dhalin ama oggolaansho sharci ah u haysan.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media