(Tehraan) 17 Maajo 2019 – Taliye sare oo ka tirsan Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga Iiraan ayaa baaqa wada hadal ee MW Donald Trump ku tilmaamay mid muujinaysa daacad darrada Washington isagoo ku misaaley sidii “in qori lagu hayo” maamulka Tehraan, sida ay kasoo xiganayso wakaaladda wararka Mehr.
Trump ayaa waloow uu ku celcelinayo inuu wada hadal diyaar u yahay misna ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee lala galay Iiraan 2015, sidoo kalena cunaqabateeyay saliiddii ay Iiraan dhoofinaysey, isla markaana dayuurado iyo maraakiib u diray Gacanka Beershiya.
Iiraan ayaa guulguulka ciidan ee Maraykanka ku tilmaantay “dagaal niyadeed” loo naqshadeeyay in iyaga lagu cabsi geliyo iyadoo uu Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee dalkaasi, Ayatollah Ali Khamenei uu wada hadallo kale oo nukliyeerka lagala galo Maraykanka ku tilmaamay kuwo ”sumaysan.”
“Ficillada ay madaxda Maraykanku ku cadaadinayaan Iiraan iyagoo wada hadal ka sheekeeynaya waa sida qof inta qori lagu qabtay la waydiisanayo saaxiibtinimo khasab ah,” ayuu Mehr u sheegay Rasoul Sanai-Rad, oo ah abaanduule xigeenka Ciidamada Iiraan.
“Hab-dhaqanka madaxda Maraykanku waa ciyaar siyaasadeed ka kooban hanjabaad iyo cadaadis ay raacinayaan war sheegaya inay wada hadal doonayaan si ay iskugu muujiyaan dad nabadeed oo ay ra’yul caamka u khaldaan,” ayuu raaciyay Sanai-Rad.
Hadalsame Media