”Waxaad noqon kartaa qof nasiib badan!” – Shiinaha oo Soomaalida ku casuumaya hawada sare (Arrin tafaasiil u baahan?)

0

(Muqdisho) 10 Luulyo 2022 – Safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho ayaa dhallinyarada Somalia usoo bandhigtay fursad cusub oo la xiriirta dhanka macluumaadka hawada sare oo ah wax aysan Somalia weli higsan.

”Dhallinyarada Soomaaliyeed ee qiimaha badanow, ma danaynaysaan hawada sare iyo safarradda xiisaha leh, wax aan horay loo arag iyo sahminta ay sameeyaan cirbixiyeennada u dhashay Shiinaha?” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Safaaradda Shiinaha.

”Waxaan kugu dhiirrigelineynaa in aad su’aalo ku soo waydiiso qaab muuqaal ama sawirro ah. Munaasabadda xigta waxaa la qaban doonaa Agoosto halkaasoo ay saddexda cirbixiyeen ay qaab online ah uga jawaabayaan su’aalaha qaar.

Marka ha ka laba-labeyn, waxaad noqon kartaa qof nasiib badan! Waxaa sidoo kale hadiyad loo diyaariyey ka qaybgalayaasha.” ayaa lasii daba dhigay.

Safaaradda Shiinuhu ma sharrixin waxa ay ula jeeddo qoraalka dambe iyo sidoo kale abaalmarinta loo diyaariyey dhallinyarada waxa ay tahay.

Hadalsame Media