Maanta ma qabsoomaysaa doorashadii uu Abe u ololaynayey? (Maxaa dhacay markii uu dhintay RW Ohira xilli olole socdo?)

0

(Hadalsame) 10 Luulyo 2022 – RW hore ee Japan, Shinzo Abe, ayaa Jimcihii lagu toogtey meel fagaare ah oo uu ka ololaynayey, iyadoo sida uu sheegayo Afhayeen u hadlay Dowladda.

RW hore ayaa waxaa xabadda ku dhuftay Tetsuya Yamagami oo ah 41 jir baagamuundo ah, isagoo joogey gobolka galbeed ee Nara, iyadoo Mr. Abe, oo 67 jir ahaa wuxuu siyaasi muxaafid ah oo waddani ah kaasoo saamayn xooggan ku lahaa siyaasadda Japan.

Wuxuu ahaa hoggaan-beenaadka Xisbiga xilka haya ee Liberal Democratic Party isagoo ay dowladdu wax ka dhegeysan jirtey xitaa kaddib markii uu xilka banneeyey Sebtemar 2020-kii.

Wuxuu haatan u ololaynayey xisbigiisa LDP si ay ugu guulaystaan codadka ugu badan ee doorashada Aqalka Sare ee Diet oo dhacaysa Axadda maanta ah. Haddaba, su’aasha ugu badani waxay ahayd doorashadu sidii loo qoondeeyey ma u qabsoomaysaa maanta?

RW Fumio Kishida ayaa sheegay in howlaha doorashada sidoodii u socdaan si ay u muujiyaan inaysan u habran doonin gacan ka hadal iyo qalalaase.

Japan-ku ma qoslaan, Sannadkii 1980-kii, Ra’iisul Wasaarihii xilligaasi Masayoshi Ohira ayaa waxa uu geeriyoodey 10 maalmood kahor doorashadii Aqalka Hoose iyo kan Sare, balse doorashada looma hakin oo sideeda ayaa loo qabtay, waloow uu doorashadii ku guulaystey xisbiga LDP oo ah isla xisbiga RW hore ee dhintay ee Shinzo Abe iyo midka haatan ee Fumio Kishida.

Hadalsame Media