(Hadalsame) 10 Luulyo 2022 – Muwaadiniin Turki ah ayaa weerar ku qaaday kolonyo aroos oo Carbeed oo marayey magaalada Urfa ee dhacda Koonfur Bari Turkiga.
Warbaahinta Turkiga ayaa ku warrantay in kolonyada baabuurta ihi ay walfinayeen calammo ay ku xardhan yihiin erayo Carabi ah islamarkaana ay khalkhal galiyeen dadka ku dhaqan degaankaas maadaama ay aad uga dhawaajinayeen hoon iyo heeso Carbeed.
Tan ugu darani waq inay Turkigu dadkan moodayeen qaxootiga Suuriyaanka ah ee dalkaa ka buuxa.
Yeelkeede, waxaa markii dambe caddaatay inay yihiin Khaliijiyiin hodan ah oo ka yimid Sucuudiga Carbeed.
Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa aad uga digaya nacaybka sii kordhaya ee ka dhanka ah Carabta iyo gaar ahaan Suuriyaanka ee ka jira Turkiga.
Hadalsame Media