”Ma nafta qofka Soomaaliga ah ayaa sidaa u rakhiis ah?!!” – Akhri sida ay DF khasab ugu tahay inay meel saaraan arrinta Ciidanka Tigraay la geeyey

0
MOGADISHU, SOMALIA - NOVEMBER 28: Newly graduated Somalian soldiers display their skills at the graduation ceremony after receiving training period from Turkish military training academy, Somali Turkish Task Force Command, in Mogadishu, Somalia on November 28, 2019. Newly graduate 363 Somalian soldiers took their diplomas. (Photo by Sadak Mohamed/Anadolu Agency via Getty Images)

(Hadalsame) 09 Juun 2021 – Sida ay mucaaradku xaq ugu leeyihiin in ay dowladda dhexe kula xisaabtamaan colaadaha Tigray iyo in ciidamadeennu ka qaybgaleen waxyeelleynta dadka Tigreega, ayaa xaq loogu leeyahay in ay Kenya ku cambaareeyaan duqeynta iyo dilka ay u gaysteen carruurta iyo hooyooyinka Soomaaliyeed.

Marnaba gar ma noqonayso in ay cambaareeyaan dhibaatada ay ciidamada Soomaaliya u gaystaan dowlado iyo dalal shisheeye, islamarkaana ay afka uga qabsadaan, indhahana uga dabooshaan dhibaatada askarta Keenyaanku u gaystaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee dhiig la wadaagga ah.

Ma nafta Tigreega ayaa ka qaalisan midda Soomaaliga? In la wada cambaareeyo wixii dembi ah, meelna looga soo wada jeesto wax kasta oo khatar ku ah nolosha muwaadiniinta iyo danaha dalkaba waa caddaalad iyo astaan muujinaysa in wax laga mideysanyahay.

Arrinka ciidamada tababarka loogu qaaday Erateriya, tuhunka xadka dhaafay ee xargagoostay iyo warbixinnada isdabayaalla ee isasoo tarayaa ma yara, dowladdu haddii ay islahayd qariya oo ay fashil iyo dhibco siyaasadeed oo laga helo u dafiraysay nolosha dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku naf waayay colaad aan iyaga khuseyn ceeb ka weyn majirto.

Waxaa la gaadhay wakhtigii dowladdu ay arrinkaa daah-furnaan u wajihi lahayd lagana xaqiiqo sheegi lahaa.

Mucaradka iyo waalidiinta carruurtoodu maqantahayna waxaannu ku garab taagannahay in runta oo cad lasoo bandhigo, xattaa haddii dowladdu ka run sheegeyso in ay bedqabaan dhalinyaradu warbaahinta loo fasaxo in ay booqato, guddiyo Baarlamaaniya loo saaro, la baadho waxa dhacay iyo waxa kajira, dhalinyarada haddii lasoo celin karana lasoo celiyo, haddii ay ka qaybgaleen colaadahaasna laga run sheego tirada ku waxyeellowday, cid kasta oo ka masuul ah na lagu ciqaabo dembiga ay gaysteen.

Waxaa Qoray: Khaliif Faarax Xayir

Hadalsame Media