TEENDHADA AFISYOONI: Hal arrin oo horay loogu muransanaa oo ay durba muuqato in heshiis lagu yahay haatan

0

(Muqdisho) 22 Maajo 2021 – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda ka furmo Teendhada Afisyooni, waxaa shirka guddoomin doona Ra’iisul Wasaare Rooble, halka Madaxweyne Farmaajo aanu ka qeyb geli doonin.

Warar shirka ku dhow dhow ayaa sheegaya in jawiga shirku uu yahay mid ka duwan shirarkii hore ee fashilmay, iyadoo heshiis laga yahay waxyaabo yar yar oo horay maalmo loogu murmi jirey.

Waxaa taa ka mid ah cidda sugaysa amaanka madasha shirka Teendhada Afisyooni, taasoo sida la sheegayo loo daayey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidanka Booliska AMISOM.

Shirkan ayaa lagu rajo wayn yahay in heshiis lagu gaari kari doono maadaama uu muuqanayo niyad wanaag cusub oo aan horay u jirin, kaasoo muhim u ah siyaasadda dal burbur kasoo doogaya.

Hadalsame Media