”Wejigiis ha gubto qashinkaan!” – Khabiib oo weerar cusub ku qaaday MW Faransiiska

0

(Moscow) 30 Okt 2020 – Feeryahanka miisaanka fudud ee Ruushka ee Khabib Nurmagomedov ayaa si xun ugu xanaaqey MW Faransiika ee Emmanuel Macron oo haatan caro ka wajahaya dunida Muslimka.

France ayaa heegankiisa argagixisada sare ugu qaaday heerka ugu sarreeya kaddib markii ay dood kululi ka dhalatay aflagaaddo loo gaystey Nabi Muxamed NNKH taasoo uu MW dalkaasi ku tilmaamay ”xornimo is muujin”, iyadoo deeto lagu baahiyey xarumaha dowladda.

Horyaalka UFC ee Khabib – oo ah nin aad ugu adag diinta Islaamka kana soo jeeda Jamhuuriyadda Dagestan ee xiriirka Ruushka – ayaa sheegay inuu ka yaqyaqsooday MW Faransiiska, isagoo la hadlaya 25 milyan oo kala socda Instagram.

“Ilaahay wejigiis ha gubo qashinkaan iyo inta raacsan, kuwaasoo iyaga oo xorriyad hadal ku gambanaya meel uga dhacaya dareenka in ka badan hal bilyan iyo bar Muslimiin ah,” ayuu yiri.

”Ilaahay noloshan iyo midda dambe haku ihaaneeyo. Ilaahay waa dhaqse badan yahay waana arki doontaan,” ayuu raaciyey Khabib oo wax kusoo qoray af Ruushan, isagoo warkiisa soo raaciyey sawir bahdilan oo uu ka muuqdo MW Faransiisku.

“Waxaan nahay Muslim, waana jecel nahay Nabigeenna Muxammed (NNKH) in ka badan hooyooyinkeen, aabayaasheen, carruurteenna, xaasaskeenna iyo dhamaan dadka ku dhow qalbiyadeenna. I aamina dulmigu wuxuu kusoo noqonayaa iyaga, dhamaadka waxaa mar walba guulaysanaya kuwa Alle ka cabsanaya.” ayuu yiri Khabib oo soo qaatay aayad Qur’aan ah oo loogu gooddinayo kuwa tacaddiya.

 

View this post on Instagram

 

Да обезобразит Всевышний лицо этой твари и всех его последователей, которые под лозунгом свободы слова оскорбляют чувства более полутора миллиарда верующих мусульман. Да унизит их Всевышний в этой жизни, и в следующей. Аллах скор в расчёте и вы это увидите. Мы – мусульмане, любим нашего Пророка Мухаммада (да благословит его Аллах и приветствует) больше, чем наших матерей, отцов, детей, жён и всех остальных близких нашему сердцу людей. Поверьте мне, эти провокации им выйдут боком, конец всегда за Богобоязненными. – ‎قبح الله وجه هذا الأبتر وجميع تبعهم الذين يؤذون الشعور أكثر من نصف مليار مسلم تحت قناع الحرية ‎أذلهم الله في الدنيا والآخرة إن الله سريع الحساب ‎نحن مسلمون نحب رسولنا ونبينا محمد صلى الله عليه وسلم أكثر من أمهاتنا وآبائنا وأبنائنا وأزواجنا ومن جميع خلق الله سبحانه وتعالى ‎صدّقوني هذه الاستفزازات سوف تخرج من أعناقهم والعاقبة للمتقين – Holy Quran 33:57 —————— إِنَّ الَّذِينَ يُؤْذُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ لَعَنَهُمُ اللَّهُ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ وَأَعَدَّ لَهُمْ عَذَابًا مُّهِينًا Воистину, тех, которые поносят Аллаха и Его Посланника, Аллах проклял в этом мире и в Последней жизни и уготовил им унизительные мучения.

A post shared by Khabib Nurmagomedov (@khabib_nurmagomedov) on

Hadalsame Media