(Hadalsame) 27 Okt 2020 – Baaqyada ku aaddan in la qaaddaco badeecada iyo adeegyada Faransiiska ayaa kusii xoogaysanaya dunida Muslimka, kaddib markii uu MW Faransiisku uu si cad u difaacey aflagaadda Nabi Muxamed (NNKH), taasoo uu Emmanuel Macron ku sheegay Xorriyad Is muujin.
Macron oo ka hadlayey arrinta macallinkii qoorta laga jaray ee Samuel Paty, ayaa ku dooday in ay tahay in aanu Faransiisku arrintaa “uga harin” sawirrada kartuunnada ah isagoo ballan qaaday inuu wax ka qaban doono wax uu ku sheegay Muslimiinta xag-jirka ah.
Kaddib baaqii MW Turkiga wuxuu haatan warku gaarey min Pakistan, Malaysia, Kuwayt, Urdun, Qadar, Marooko, iiraan iyo inta badan dalalka Muslimka ah.
Dalka Kuwayt, dukaamada silsiladda ah ayaa sheegay inay jarayaan iibsiga ilaa 50-meeyo brand oo Faransiis ah, halka dukaamo noocaas ah oo Qadar ku yaalla sida Al Meera oo 50 laamood dalkaa ku lihi ay xitaa boorarka ku qoreen inaysan iibin doonin badeecada Faransiiska.
Jaamacadda Qadar ayaa iyaduna joojisey Todobaadka Dhaqanka Faransiiska muddo aan la cayimin.

Dalal reer Galbeed ah ayaa iyaguna la saftay Macron, iyadoo Wasiir Dibadeedka Jarmanka ee Heiko Maas uu sheegay in Berlin ay hiillo siinayso Paris. Hoggaamiyeyaasha Giriigga iyo Austria ayaa iyaguna taageero muujiyey.
Faransiiska ayaa suuqyada ugu wayn ka hela dalalka Islaamka oo ka iibsada badeecooyin iyo adeegyo kala duwan.

Hadalsame Media