Gobol Somalia ka tirsan oo sanadkan oo qura qabtay carruurtii ugu badnayd ee lasoo xaday, qaar kale

0

(Hadalsame) 27 Okt 2020 – Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay qabteen 324 carruur ah oo la tahriibinayey tan iyo bilowgii sanadkan kuwaasoo marayey magaalooyin iyo tuulooyin kala duwan.

Mohamed Abdirisaq Hantiile, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, ayaa Radio Ergo u sheegay in carruurtani ay iskugu jiraan kuwo waalidkood laga soo afduubtay, kuwa ay iyagu ogol yihiin iyo kuwo iskood uga soo tegeyba.

Carruurtan ayaa u badan da’da 15-jirka waxaana 150 ka mid ah laga qabtay magaalo maarsada Boosaaso, iyagoo laga kala keenay daafaha dhulka Soomaalida.

“Sababaha ugu wayn ee carruurtan loo tahriibinayaa waa in la geliyo shaqooyin khasab ah, in xubanaha jirkooda lagala boxo ama in lagu sameeyo dhiig miirasho jinsi ah,” ayuu yiri Agaasimuhu.

Wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan qaar ka mid ah carruurtan oo ay waalidkood oo ku sugan dalalka Carabtu soo dalbadeen in loosoo tahriibiyo si ay xagga ugula noolaadaan.

Carruurtan ayay Booliiska maxalliga ihi geeyaan 11 meelood oo lagu sii hayo kuwaasoo ay taageerto UNICEF, waxayna ku kala yaallaan Boosaaso, Galkacyo, Garowe, Baran, Boocame, Galdogob iyo Burtinle, inta ay dib ugula midoobayaan waalidkood.

Hadalsame Media