”Annaga ayaa farsamayn doonna!” – Erdogan oo sheegay inay Turkigu soo saari doonaa gantaalaha aadka looga boqo ee S-500 + Sawirro

0

(Istanbul) 19 Maajo 2019 – MW Turkiga, Tayyip Erdogan, ayaa shalay sheegay in kaddib marka ay soo iibsadaan gantaalaha casriga ah ee S-400, ay iyaga iyo Ruushku si wadajir ah usoo wada saari doonaan dufcadda ka dambaysa ee S-500 oo ah jiilka ugu dambeeya.

Ruushka ayaa qorshaha uu Turkigu ku iibsanayo hannaanka difaaca gantaalaha Ruush sameega ah ee S-400 ku tibaaxay “mid dhib miiran ah,” isagoo ku gooddiyay in Ankara ay sidaa ku waayi doonto miigagga F-35 oo ay ka iibsan lahayn Lockheed Martin Corp.

Yeelkeede, Erdogan oo su’aalo uga jawaabayey ardayda Jaamacadda Istanbul ayaa sheegay in Turkigu ay arrintan sahmiyeen, isla markaana aanay wax dhib ah arag.

“Iyagu (Maraykanka) waxay kubadda usoo baaseen khadka dhexe hadda, waxayna muujinayaan woxoogaa caga jiid ah. Balse dhowaa ama dheeraa waan heli doonnaa dayuuradaha F-35. Inaysan naga iibin dookh jira maaha.” ayuu rajeeyay Erdogan.

Turkiga oo kusii fogaanaya dhanka tiknolojiyadda ayaa horayba u farsameeyay noocyo fara badan oo hubka casriga ah sida maraakiib, dayuurado, taangiyo, gantaalo, agabka habeenkii wax lagu arko, raadaarro, daroonno guuxooda ka dheereeya iyo qoryaha caadiga ah.

Hadalsame Media