”Baadi-goobkii aqoonsiga” – Uganda oo wefdi ballaaran u dirtay Hargaysa + Sawirro

0

(Hargaysa) 19 Maajo 2019 – Madaxwaynaha Uganda ee Yoweri Museveni ayaa la sheegayaa in loola tegey hindise ku aaddan inuu qaado wadiiqadii uu Somaliland ugu aqoonsan lahaa dal madax bannaan si macaamilaad toos ah loola bilaabo gobolkan oo 1991-kii ku dhawaaqay inuu Somalia ka go’ay, goortaasoo uu dalka ka dillaacay dagaal sokeeye.

Guddi lagu sheegay xaqiiqo raadin oo ka socda Baarlamanka Uganda ayaa booqasho aan rasmi ahayn ku tegey magaalada Hargaysa oo shalay lagu xusay sanad guuradii 28-aad ee markii uu maamulka Somaliland ku dhawaaqay inuu goostay.

Waxaa wefdigan hoggaaminaya Guddi Hoosaadka Arrimaha Dibedda Baarlamanka Uganda, Hood Katuramu, kaasoo sheegay in sida uu yiri “la gaarey xilligii Somaliland loo aqoonsan lahaa dal madax bannaan.”

Wefdigan oo la sheegay in ay ugu yaraan ilaa shalay Hargaysa joogeen ayaa waxaa kaloo ka mid ah Violet Akurut Adome, Arinda Gordon Kakuuma, Komakech Lyandro, Sebaggala Abdulatif iyo Mutekanga Jacqueline.

MW Somaliland Muuse Biixi oo shalay Hargaysa ka hadlayey ayaa sheegay in Somaliland ay markan aqoonsi raadinta u weecin doonto qaaradda Afrika, waloow ay dad badani qabaan inay daal ku dhamaanayso, maadaama aysan taasi ahayn dhabbe sharci ah oo aqoonsi toos ah keeni kara, sharciyanna loo baahan yahay in Somaliland ay la xaajooto Somalia.

Hadalsame Media