(Canberra) 18 Maajo 2019 – Senatarka Australian-ka ah ee aan warkiisa ka fiirsan oo ahaa ninkii beri dhowayd ku jeesjeesay 51 Muslimiin ah oo lagu laayey magaalada Christchurch isagoo dilkooda wax ka saaray wax uu ku sheegay khalad ka yimid siyaasadda socdaalka ee New Zealand ayaa kursigiisii ku waayay doorashada dalkiisa.
Fraser Anning oo cambaarayn badan kala kulmay Muslimiinta iyo dad badan oo kale ayaa sidoo kale lagu xusuustaa inuu feer ku daldalay wiil yar oo madaxa ukun uga bajiyey.
Anning ayaa asal ahaanba qaab dumaal ah kusoo baxay kaddib markii uu helay 19 cod oo qura doorashadan uu ku khasaaray middii ka horreeysey, balse waxaa lagu bedeley senetar kale oo kursiga helay balse laga xayuubiyay kaddib markii lagu helay ku xadgudub dastuurka Federaalka Australia ah.
Doorashada waxaa kusoo noqday RW Scott Morrison iyo isbahaysigiisa muxaafidka ah oo sibiq kaga baxsaday isbahaysiga waddaniga ah ee liberaalka ah, isagoo guushiisa lama filaanka ah ku tilmaamay mid ”mucjiso ah.”
Hadalsame Media