FALANQAYN: ”Koonfurta ayaa ictiraafka noo diiddan!” – Biixi (Su’aal ka taagan inay Koonfuri ictiraafka diiddey & FURSAD seegtay Somaliland)

0

(Hargaysa) 18 Maajo 2019 – Madaxweynaha Maamulka Somalliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka khudbeeyay munaasabad lagu maamuusayay maanta oo ku beegan 18 Maajo oo ah maalintii uu maamulkaasi ku dhawaaqay inuu yahay dal ka go’ay Somalia inteeda kale, wuxuuna soo hadal qaaday arrimaha Somalia.

Madaxweyne Biixi ayaa qiray in muddo 30 sanadood ku dhow oo ay jirtey Somaliland inay ku fashilantay inay aqoonsi hesho, balse wuxuu sidoo kale DF Somalia u jeediyay inaysan waxba ka macaashaynin dadaallada ay ku bixinayso inaan Somaliland la aqoonsanin, sida uu yiri.

“Qolada Soomaaliya joogta waxaan leeyahay, dhibaatadii 30-kii sano ee aan mideysnayn aad na gaadhsiiseen waxaa nagaga xun 28-ka sanno ee aan kala maqnayn ta aad na gaadhsiiseen ee aad lahaydeen lama aqoonsan karo Somaliland.” ayuu ku dooday Muuse Biixi.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in hadda Caalamka uu garwaaqsaday in la joogo waqtigii Somaliland aqoonsi buuxa la siin lahaa, wuxuuna caqabadda hor taagan u sawiray madaxda sare ee DF Somalia, gaar ahaan Farmaajo iyo Khayrre.

“Waxaa maanta muuqata in caalamka garwaaqsaday in la joogo waqtigii la kala gurilaha Soomaaliya iyo Somaliland, waxaan Farmaajo iyo Kheyrre, u sheegayaa 28 sano ayey labadaa dal kala maqan yihin, 50 jirka Somaliland, wuxuu ku garaadsaday iyadoo Somaliland is xoraynaysa, 50 jirka Muqdishana maba yaqaanno Somaliland. Iyadoo la kala maqan yahay ayuu garaadsaday” ayuu ku qiil samaystay Muuse Biixi Cabdi.

Dad badan ayaa aaminsan in Somaliland ay iyadu isu diiddan tahay aqoonsiga ay raadinayso muddada dheer marka la eego qaabka ay dowladnimada ku sheeganayso iyo colaadda aan loo meel dayin ee ay u muujinayso koonfurta Somalia, sida ku eedaynta inay ictiraafka diideen, tiiyoo ay jirto in koonfurtu aysanba wax dowlad ah oo la aqoonsan yahay lahayn muddo 16 sanadood ah oo ay Somaliland dowladnimo sheeganaysey. Yaa markaa diiddanaa ictritaafka?

Tusaale kale wuxuu yahay, Kosovo waxaa laga jaray Serbia oo diiddan in laga jaro, iyadoo ay aqoonsadeen dalal badan oo reeg Galbeed ah, Krimea waxaa laga goostay Ukraine oo soo taagan, South Sudan waxaa laga jaray Sudan, waxaas oo dhanna waxaa falay dalalka waawayn (super powers) oo sidaa danahooda u arkay, laakiin cidina talo sidaa u buuran kama gelin dalalkii ay khuseeysey.

Haddiiba wax khaldan yihiin, dad badan ayaa qaba in Somaliland aanay caalamka ula tegin wax ka iibsami kara marka la eego QAANUUNKA CAALAMIGA ah, caalamkuna aanu wax dan ah oo ridan meesha ku arag ugu yaraan ilaa haatan, waayo dal baan ka tirsanaa, dastuur baan samaysannay, kaddibna jabhad midnimo u taagan baan samaynay, balse mar qura ayay la noqotay inay tahay la go’o, kaddibna waan iska goostay jeer uu burbur ku jiro dalkii aan ka tirsanaa, waxaa malaha ka door samayd Somaliland oo caasimadda qaadata 18 Maajo 1991-kii, sidaana dalka ku badbaadisa, sharaf iyo qiime heer qaran ahna sidaa ku kasbata, amaba xitaa markaa si silmi ah oo siyaasad ku salaysan u sheegata garteeda ku aaddan wixii gardarro ah oo ay tirsanayso.

Waxay kaloo dadkaasi ku doodayaan in haddii ay Somaliland marto dariiq sharci ah, cadaawadda ay ku kala abuurayso labada shacabna ay joojiso, sida tusaale ahaan, shaydaamaynta calanka iyo astaamaha qaran ee Somalia oo aanay daruuri ahayn in lala xiriiriyo wixii uu sameeyay nidaam dalka soo wada maray, si deggan loo midoobi kari lahaa ama loo kala go’i lahaa.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media