”Dal ku noolaan karaa ma jiro in ay gobolladu yeeshaan ciidamo gaar ah!” – Mustafe Cagjar oo ka hadlay arrin xasaasi ah

0

(Addis Abeba) 18 Maajo 2019 – Madaxwaynaha gobolka Soomaalida ee Itoobiya maamusho, Mustafe Cagjar, oo waraysi dheer siiyey wargayska Addis Standard ee dalkaasi Itoobiya ayaa ka hadlay arrimo dhinacyo badan taabanaya.

Wuxuu ka hadlay in siyaasadda Itoobiya ay abid isir ku dhisnayd isna aanu aaminsanayn in ay taasi baaba’ayso mar dhow, balse wuxuu cilladeeyay aragtida ah in uu gobol kastaahi yeesho ciidamo amaan oo isaga u gaar ah oo isir ku dhisan.

”Waxaan qabaa in khaladka ugu wayn ee lasoo sameeyay uu yahay dhisitaanka hay’ado amaan oo heer gobol ah oo madax bannaan. Dalna sidaa kuma taaqtaaqi karo.” ayuu yiri.

Cagjar ayaa soo jeediyay in heer dowlad dhexe iyo heer gobolba loo istaago sidii wax lagaga qaban lahaa dadka rabshadaha ka dhex aloosaya gobollada ee misna xasaanadda leh, isagoo gaar ahaan maamullada usoo jeediyay inay arrintaa daacad ka noqdaan.

”Waa in aannu maanka ku haynaa in dad ka badan 1. 3 milyan oo qofi ay barakeceen sanadkii tegey oo qura, waxaana inta badan barakicintaa gacan ka gaystey ciidamada maamullada.” ayuu yiri.

Cagjar ayaa u muuqda mid tixraacaya dhibaatooyin ay gaysteen ciidamada maamulka Oromada oo dad badan oo Soomaali ah gaar ahaan barakiciyey, laayey ama dhibaateeyay.

Arrintan ayaa haatan dhibaato ba’an ku haysa dalka Somalia oo la keenay federaal kaba sii qaab daran midka Itoobiya, waayo ugu yaraan midka Itoobiya madaxdu waxay toos uga amar qaataan DF Itoobiya oo ah dal leh hay’aad dhisan oo shaqaynaya sida Ciidamadii dhexe.

Hadalsame Media