4 qofood oo loo qabtay khaarajinta wiil Soomaali ah

0

(Toronto) 01 Maajo 2019 – Afar qof  oo lala xiriirayo  dilka  nin  ku noolaa magaalada Toronto saddex sano kahor ayaa la qabtay.

Faysal  Maxamed Xiis oo 26 jir ahaa ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Islington xilli subaxnimo ahayd bishuna ahayd 19 Diseembar 2016.

Monique Ibraahim oo isticmaalaysay magaca Rose Carter, ayaa booliska isu dhiibtay maalintii Sabtidii, sacaado kaddib markii la soo saaray warqad lagu soo qabanayo, waxaana loo haystaa  dacwad dil ah.

Maalintiii  Jimcihii  Boolisku waxa ay xidheen saddex nin dacwadaasi loo haysto oo kala ah; Caadil Seeno oo 21 jir ah ayaa dilka lagu eedeeyay, halka Maxamuud Ducaale oo 27 jir ah iyo Axmed Cabdi  Siyaad oo 26 jir ah ay wajayaan dacwad ah in ay gacan ka gaysteen  dilka.

Booliska magaalada Toronto ayaa in mudda ah wadey baaritaan ku saabsan sida dilkan uu u dhacay.

Hadalsame Media