”Wejigaa gubay!” – Ilhaan Cumar oo u jawaabtey Ted Cruz oo isku dayey inuu weerarkii Macbadka Yuhuudda iyada ku eedeeyo!

0

(Washington, DC) 01 Maajo 2019 – Nin cunsuri ah ayaa weerar ku qaaday macbad ay Yuhuuddu leedahay, deeta siyaasiyiinta Jamhuuriga ayaa lasoo degdegey eed ay huwinayaan Ilhaan Cumar oo ay ku eedaynayaan inay iyadu keentay ”Yuhuud nacaybka.”

Saacado uun kaddib markii uu nin qorile ihi uu Sabtigii rasaaseeyay macbadka Yuhuudda ee Chabad of Poway oo u dhow San Diego, halkaasoo uu ku diley hal qof, isla markaana ku dhaawacay wadaadkii macbadka, Jamhuuriga oo ka aamusnaa nacaybka sii kordhaya ee loo aaneeyo wararka kicinta ah ee Trump waxay taa biddaalkeeda faraqyada ku dhegeen Ilhaan Cumar.

“Saami nacaybka bidixdu wuu kasii darayaa,” ayuu yiri Senatarka Ted Cruz, R-Texas, isagoo weliba ku tag gareeyay Ilhaan Cumar wax uu ku sheegay “eedaha Israel nacaybka ah ee soo noqnoqda,” isagoo ku daray, “in Dimoqraadiga xilkaska ihi ay bis dhahaan.”

Cruz ayaa nasiib darro ku fashilmay inuu xitaa weerarka dhacay soo hadal qaado, waxaana ka faa’iidaysatey llhaan oo darbo kale ku celisey iyadoo leh:

“Cunsuri caddaan ah ayaa argagixiyey macbadka, welina waxba kamaad dhihin,” ayay tiri Cumar oo u gacan celinaysa Cruz. “Wejigaa gubay.” ayay daba dhigtay.

Hadalsame Media