(Muqdisho) 26 Nof 2018 – Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay darawalkii waday gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay suuq qaadka lagu iibiyo oo ku yaala xaafadda Kaawo Godeey ee degmada Madiina, Magaaladda Muqdisho.
Gaariga walxaha Qarxa siday ayaa Ciidamada amniga ku joojiyeen bar-kontarol oo ku taalo xaafadda kaawo-godey degmada Wadajir,halkaasi oo markii dambe uu ku qarxay. Ugu yaraan sideed ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay qaraxaasi iyadoona ay ku dhaawacmeen toboneeyo kale.
Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa SONNA u sheegay in ninkii waday gaariga gacanta lagu soo dhigay ka dib markii uu isku dayay inuu ka baxsado Ciidamada amniga.
Hadalsame Media